Wararkii ugu dambeeyay ee toogashadii maanta ka dhacday dalka New-Zealand ayaa sheegaya in ururada muslimiinta ee wadanka Australia ay war saxaafadeed ka soo saareen toogashadii masaajidyada magaalada Christchurch.

Waxa ay muslimiintu ka codsadeen in baaritaan deg deg ah lagu sameeyo sababaha dhaliyey in muslimiinta lagu dhex laayo masaajida gudahooda.

4 Qof ayaa ilaa haatan loo soo xiray toogashada loo geystay masaajidyada Lenwood iyo masjid Al-Noor.

Hawwenayda ra’iisul wasaaraha ka ah dalka New Zealand ayaa sheegtay in ay ka qoomameysay dhibaatada dil ee laga geystay masaajidyada. Waxaa dadka qaar ay sheegayaan in ay jiraan dad ugaarsanayey dadka muhaajiriinta ah ee dalkaasi uu ka qaato dalalka kale ee caalamka.

HALKA HOOSE KA EEG WAR-SAXAAFADEEDKA:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here