Nin ka tirsan booliska AP-da ee saldhiga booliska ee Navakholo kowntiga Kakamega ayaa isagu baxsaday. Ninka ayaan la ogeyn halka uu jaan iyo cirib dhigay kadib markii uu toogtay xaaskiisa habeenimada Isniinta.

Haweenta la toogtay ayaa la aqoonsaday in ay tahay Christine Mango, waxaana la sheegay in ay iyadu aheyd haweenay macallimad ah oo iskuulada degaanka wax ka dhigta.

Warbixinnada ayaa tilmaamaya in labadoodu uu ka dhaxeyn jirey xiriir aad looga deyriyey muddo badan, iyadoo sarkaalku go’aansaday in uu gabadha dilo.

Kaamishinerka gobolka Galbeedka Rashid Yakub ayaa Jimcaha maanta inoo xaqiijiyey toogashada isaga oo sheegay in qoriga gacanta lagu soo dhigay.

Waxa uu sheegay in sarkaalka wax dilay uu ka cararay goobta oo aan wax faro ah lagu heynin balse ay weli baadigoobayaan boolisku.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here