Baabuurta dalka gudihiisa lagu wershadeeyo ayaa noqon doona kuwo si weyn loo iibsado kadib markii dhammaan wasiirada dalka iyo hey’adaha dowladda loo soo jeediyey in ay iibsadaan gawaaridaasi.

Isaga oo ka hadlayey caasimadda Nairobi xilli uu martigelinayey madaxweynaha Faransiiska ayaa uu madaxweynaha dalka sheegay in ilaa heer madaxtooyo ah ay dowladdu taageeri doonto soo saarista baabuurta lagu farsameeyo wadankani Kenya gudihiisa waxaana madaxweynuhu sheegay in uu adkeyn doono mashruuca loogu magac daray ‘Iibso Kenya, dhis dalka Kenya.’

Dhanka kale, madaxweynaha Faransiiska ayaa dhankiisa sheegay in Faransiisku uu la shaqeyn doono dowladda Kenya si kor loogu qaado ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo sidii waxyaalaha ka soo baxa wershadaha reer Yurub loo keeni lahaa dalka si halkan iyaga oo yaalla ay Kenyanku qalabeeyaan kadibna ay bartaan sida loo soo saaro farsamahada casrigah ah.

Madaxweyne Kenyatt ayaa sheegay in kor loo qaadi doono tayada shaqo ee shaqaalaha  Kenyaanka si ay u sameystaan wax soo saar la mid ah kan dalalka hore u maray.

Kenya iyo Faransiiska ayaa kala saxiixda heshiis ganacsi oo gaaraya ilaa 300 bilyan oo doolar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here