Mandheera ayaa daah-furtay nidaamka boolisiyeyenta bulshada si sare loogu qaado amniga.

Dadweynaha ayaa si wadajir ah ula shaqeynaya saraakiisha amniga waxaana la soo sheegayaa in si hoose bulshada Mandheera ay ula tacaaleyso dhibaatooyinka ay ka mid tahay argagixisadu ee mar mar kaga yimaada dhanka xuduuda.

Kaamishinerka kowntiga Kutswa Olaka ayaa maalinimadii Khamiista sheegay in tillaabadani hore loogu qaadayo sidii bulshada loola wadaagi lahaa akhbaaraadka. Waxa uu sheegay in tiro ku dhan 102 kooxood oo booliska amniga bulshada ah la abuuray, iyada oo 9 qeybood loo qeybiyey — dhammaan waaxyaha ay ka kooban tahay Mandheera.

Kooxaha ayaa ku howlan in ay la dagaalamaan daroogada khatarta ah ee degaannadaasi sida sharcidarrada ah loogu iibiyo, iyo rabsahadaha argagixisada, waxaana arrimahaani oo dhan loo sameynayaa si loo xaqiijiyo habsami u socodka dugsiyada hoose iyo kuwa sare.

Marka laga soo tago rabshadaha ka dhashay rabshadaha Al-shabaab ayaa la soo sheegayaa in kowntiga Mandheera uu haatan ganacsigiisa kor u kacay iyada oo muddooyinkii ugu dambeeyay laga dareemayay xasiillooni buuxda iyo beec-mushtar lagu najaxay.

Todobaadkii tegay ayaa shaqaalaha macdanta ee Mandheera wax ay soo dhoweeyeen hadalkii madaxweyne ku xigeenka dalka W. Ruto ee ahaa in la xaqiijiyo in xayiraadda laga qaadi doono macdan qodatada Quarriga.
Waxaana Quarriga hore loo xiray kadib markii halkaasi ay weeraro ka dhaceen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here