Raxan kaneeco ah ayaa lagu arkayaa magaalada Nairobi taasi oo dadka dhiigga ka dhuuqeysa, welwelna ku abuurta dadka degan caasimadda.

Balse khubarada caafimaadka ayaa sheegay in aysan sababin wax cudurro halis ah.

Fursadaha lagu qaadi karo cudurka Malaariyada ama (Duumada) ayaa la sheegay in ay yar tahay marka kaneecada haatan jirta ay cunto qofka, waxaana marka ay qofka cunto ay sunteedu la egtahay boqolkiiba 1 oo keliya.

Dhibaatada ugu weyn ayaa la sheegay in ay tahay mid qeyli badan oo meel walba qofka ku cuneysa.

Kiisaska badankood laga helo caasimadda Nairobi ayaa iyagu ah kiisas laga helo dad iyagu mar mar u safra meelaha gobollada ah ama degaannada ay kaneecada dilaaga ah joogto, dadkaani safareyda ah ayaa la sheegay inay yihiin kuwa keliya ee iyagu malaariyada khatarta ah qaba ka soo qaada degaannada ay booqdaan.

Dr John Chumo, xoghayaha Guddiga cabashada degaannada Qaranka ayaa xaqiijiyey in kaneecadu ay tahay mid dalka oo dhan ku soo badaneysa.

Waxa uu arrintan u nisbeeyay in ay keentay cimilada oo 3-dii asbuuc ee ugu dambeysay aad isku bedeshay gaar ahaan magaalooyinka waaweyn. Sidaa Jawiga isbedelay darteed ayaana uu ku sheegay in ay tahay sababta keenaysa in ay kaneeco fara badan dhalato, waxaana cimilada marka ay kululaato ay kaneecadu gashaa guryaha dadka sida uu sheegay Dr. Chumo.

Balse dhaqtarad Damaris Matoke oo ka tirsan waaxda cilmi baarista culuunta saynisaka ee Kenya Medical Research Institute, ayaa sheegtay in kaneecada waayahan kacsan aysan wadanin dulinka dhaliya cudurka duumada, waxaase ay ku boorisay waaxyaha caafimaadka ee kowntiga Nairobi iyo kuwa kowntiyada kale in ay sameeyaan baaris isla markaasina shaqsiga iska dareema in ay kaneeco cuntay uu baaris dheeraad ah isku sameeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here