Muwaadinka Yussuf Ibrahim Dimbil ayaa dacwad ka qoray garsooraha ugu sareeya dalka David Maraga.

Muwaadinka ayaa ka dhawaajiyey arrimo badan oo khaladaad ah oo garsooruhu sameeyay inta uu hayo xilka garsooranimo.

Marka loo eego Dhimbil waxa uu sheegay in garsooraha guud ee dalka uu ka qeybgalay isku soo baxyo siyaasadeed in uu sameeyay booqashooyin soo dhoweyn ah iyo in garsooraha ugu sareeya dalka uu jeediyey hadallo siyaasadeed, tani ayaa Dhimbil ku tilmaamay in ay tahay mid la yaab ku abuurtay dadka Kenyaanka ah.

Dacwoodaha ayaa sheegay in Maraga uu ku guuldareystay in uu shaaciyo in uu garooruhu sameeyay marxalad daneysasho kadib markii uu dhageystay dacwad doorasho madaxtinimo xilli uu u kala garqaadayey wiil uu adeer u yahay iyo qof kale. Waxa uu tilmaamay in dacwadda uu ugu eexday wiilkii uu adeerka u ahaa dacwadaasi oo lambarkeedu ahaa No 1 2017.

Dacwooyinka noocan ah ayaa waxaa horey looga gudbiyey garsooreyaal sare oo dalka ka tirsan oo ay ka mid yihiin ku xigeenkii garsooraha dalka Philomena Mwilu iyo 5 kale oo ka tisan guddiga howlaha garsoorka dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here