Dhimashada ayaa mareysa 40 dadkii lagu laayey dalka New- Zealand, dhaawaca ayaa la soo sheegayaa in uu yahay 20 qof.

Dadka ayaa lala dhacay rasaas waxaana loogu galay masaajid lagu magacaabo Al-Noor iyadoo sidoo kale la weeraray masjid kale.

Weerarkani oo ka dhacay magaalada Christchurch ayaa maanta oo Jimce ah waxaa lagu bartilmaameedsaday dad dhegaysanayey khudbadda Jimcaha.

Ra’iisul wasaaraha New Zealand Jacinda Ardern ayaa sheegtay in ay ka xun tahay dhibaatada loo geystay dadkaasi ku sugnaa masaajidka. Warar kala duwan ayaa sheegaya in la helay gawaari lagu xiray walxaha qarxa kuwaasi oo boolisku ka fureen gawaaridii ay ku xirnaayeen.

Booliska ayaa sheegay in ay arrintaasi u qabteen 4 qof halka dad kalena ay ku raadjoogaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here