3 Qof ayaa lagu dilay kadib markii uu iska horimaad ka dhacay kowntiga Marsabit iska horimaadka ayaa u dhexeeyay jufooyinka Borana iyo Gabra waxaana uu ka dhacay Haro Giresa oo ku taal konstutuwensiga Saku.

Ka sokow dhimashada waxaa la soo sheegayaa in dad kale ay halkaasi ku dhaawacmeen, kuwaasi oo ka soo kabsanaya dhaawacooda fiidnimadii Arbacada.

Dadka dhaawacu soo gaaray ayaa loola cararay dhanka isbitaalka  kowntiga Marsabit General Hospital.

Saraakiisha ayaa loo diray dhanka dagaaladu ka socdaan.

Balse, OCPD-ga kowntiga Marsabit Benjamin Mwanthi ayaa xaqiijiyey shilkani dhacay waxaana uu ugu baaqay dadka degaanka in ay is-dejiyaan iyada oo laamaha amnigu ay xalin doonaan arrintu.

Gudoomiyaha culimada degaanka Mohamednur Kuli ayaa ka codsaday bulshada in ay naabdda ku dadaalaan isaga oo sheegay in la sameeyo is dhexgal bulsho taasi oo uu sheegay in ay tahay midda keliyah ee lagu gaari karo horumar.

Horey ayaa waxaa labada bulsho u kala dhex yaalley dhibaatooyin noocan ah oo sanado hore ka dhex aloosnaa, taasi oo dad badani ku dhinteen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here