Xubno ka tirsan baarlamaanka dalka ayaa ka horyimid codsi ay dowladdu jeedisay kaasi oo dhigayey in lacag badan oo dheeri ah la geliyo dhismaha derbiga kala qeybinaya xuduudaha Kenya iyo Soomaaliya.

Xildhibaannad ayaa diida codsiga dowladda waxaana ay talo ku soo jeediyeen in kharashkaasi ay dowladdu ku bixiso siyaabo kale oo argagixisada looga hortagi karo.

Bishii Maarso ee sanadkii hore ee 2018 ayaa dowladdu waxa ay hakisay dhismaha derbigaasi ee teedsan Ismaamulka Mandheera kaasi oo dhererkiisu gaarayo masaafo dhan 700 km.

Dhanka kale gubernatooraha ismaamulka Mandheera Cali Rooba ayaa sheegay in go’aanka n la gaaray kadib markii ay mas’uuliyiinta gobolka ay la fariisteen dhiggooda dalka Soomaaliya oo uu hogaaminayey gubernatooraha gobolka Gedo ee dalka Soomaaliya mudane Mohammed Mahamud.

“Waxaanu isku raacnay in si ku meel gaar ah dhismaha loo joojiyo iyadoo la hakin doono dumin guro tiradoodu dhan tahay 64 guri kuwaasi oo iyagu ku yaal halka xaduudka ah bartankiisa.” ayaa uu yiri gaavana Roba.

Roba ayaa ku eedeeyay dowladda federaalka ee Soomaaliya in ay faafineyso hadallo probogaando ah oo la xiriira in dadka Soomaalida si xoog ah looga kicinayo dhulkooda lagana duminayo guryahooda.

Tillaabada xildhibaannada ayaa, si kastaba ha ahaatee, looga baxayo hanaanka dhismaha derbiga ka sokow go’aanka dowladda dalka ee ah in la de dejiyo dhismaha derbiga weyn ee xuduudka Soomaaliya.

Derbiga ayaa waxaa ujeedadiisu tahay sidii looga hor istaagi lahaa dagaalamayaasha Al-shabaab in ay gudaha u soo galaan wadanka Kenya iyaga oo qaab tiro badan laga taxadarayo in ay dalka u soo galaan.

Marka la soo afjaro dhismihiisa ayaa lagu sheegay in taladiisa lagu wareejin doono ciidanka difaaca Kenya kuwaasi oo horeyba aagaasi u deganaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here