Magacaabista uu madaxweyne Uhuru uu xilka taliyaha booliska u magacaabay Hilary Mutyambai ayaa lagu in tahay xilli ay bilaabatay in amniga qaranka uu gacanta u galay sirdoonka qaranka. Taasi oo macnaheedu uu yahay in waaxda qaran NIS in ay amniga dalka si hoose ula wareegtay.

Mas’uulka booliska haatan loo magacaabay ayaa isagu ahaa taliye ku xigeenkii sirdoonka qaranka, warar dheeraad ah ayaa sheegaya in madaxweynuhu uusan magacaabin taliye ku xigeennadii booliska balse uu u weecday dhanka sirdoonka dalka.

Dadweynaha ayaa isweydiinaya in xil u dhiibista Mutyambai ay noqoneyso mid koofiyadii booliska ay ku lebisan doonaan xoogagga sirdoonka qaranka kuwaasi oo markani gacanta ku qabanaya maamulka amniga qaranka.

Meelaha kale ee muhiimka ah ee madaxweyne Uhuru Kenyatta horey ugu gacan geliyey sirdoonka ayaa kala ah: Waaxda Dacwad soo oogista oo horey loogu dhiibay Noordin Haji, sidaasi si la mid ahna Waaxda anshaxa iyo ka hortagga musuqa ayaa isna loo dhiibay ruug cadaa sirdoon ahaan jirey oo lagu magaabo Twalib Mbarak, waxaa intaa dheer in agaasimaha laanta socdaalka dalka in uu ahaan jirey nin sirdoonka qaranka ka tirsanaa.

Ilaha ku dhow dhow aqalka state house ayaa sheegaya in madaxweynuhu uu ahmiyad siinayo in taliska booliskana ay sirdoonku qabtaan si dhaqsiyo loo xoojiyo la dagaalanka argagixisada, waana mida keentay in ku xigeenkii NIS-ta laga dhigo taliyaha cusub ee booliska dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here