Sanduuqii madoobaa ee ku xirnaa diyaaradii ku soo dhacday dalka Itoobiya ayaa la helay. Sanduuqa madow ayaa la rajeynayaa in laga helo macluumaad sheegaya waxyaalihii ka dhacay diyaaradda gudaheeda iyo waxa ka qaldanaa diyaaradaasi.

Waxaa maanta oo Khamiis ah loo dhoofiyey magaalada Paris halkaasi oo la faahfaahin doono ciladda iyo qaabka ay ugu dhacday diyaaraddii nooceedu ahaa 737 Max 8 taasi oo ku dul burburtay dalka Itoobiya ayna ku dhinteen 157 qof.

Shirkadda diyaaradda leh ayaa fariin ay ku qortay diyaaradda ku sheegtay in wefdi itoobiyaan ah ay baaritaan ugu dhaqaaqeen sanduuqaasi iyaga oo khuburo Faransiiska ah la kaashan doona sababaha kalifay in ay dhacdo diyaaradda 737 Max8.

5 bilood ka hor ayaa nooca diyaaradani waxa ay ku dhacday dalka Indooneesiya, tani oo keentay in caalamka oo dhan la fariisiyo lana joojiyo isticmaalka diyaaradda Boeing 737 Max 8.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here