Uhuru Kenyatta (Midig) iyo dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron, waxa ay labada hogaamiye gaareen heshiisyo muhiim u ah labada wadan

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo dhiggiisa dalka Faransiiska Emmanuel Macron ayaa maalinimadii Arbacada gelinkeeda dambe balanqaaday in ay horumarin doonaan beec-mushtarka labada wadan.

Labada hogaamiye ayaa isku raacay in ay Faransa iyo Kenya waxaana sidoo kale ay ka shireen dhanka amniga gobolka.
Mr Macron, ayaa booqashadiisii ugu horeysay ku jooga caasimadda Nairobi isaga oo warfaafinta u sheegay in uu xoogga saari doono joogitaanka Faransiiska ee wadanka Kenya.

Labada hogaamiye ayaa isku soo qaaday dhanka amaanka gaar ahaan arrimaha argagixisada iyo sidii looga hortagi lahaa xasillooni darrida gaar ahaan mashaakilka ka jira wadanka Jamhuuriyadda dimuqraadiga ee Kongo.

Booqashada madaxweyne Emmanuel Macron ee dalalka Kenya Itoobiya iyo Jabuuti ayaa si weyn loogu baadi goobayaa sidii Faransiisku u soo geli lahaa gobolka xilli uu Shiinuhu isku fidiyey qeybo badan oo gobolka ah, saameyntiisana la dareemay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here