Hilary Mutyambai (Midig) taliyaha cusub ee booliska dalka iyo Joseph Boinnet (Bidix) taliyihii hore ee booliska, Boinnet ayaa loo wareejiyey dhanka wasaaradda dalxiiska dalka

Madaxweynaha dalka Uhuru Muigai Kenyatta ayaa u magacaabay Hilary Mutyambai in uu noqdo Taliyaha guud ee booliska dalka kadib markii uu xilligiisii u dhammaaday taliyihii hore ee booliska Joseph Boinnet.

Mutyambai ayaa isagu ahaa agaasime ku xigeenka waaxda la dagaalanka argagixisada waxaana uu fadhigiisu ahaa Xarunta dhexe ee sirdoonka dalka.

Sidoo kale, Wareegto ka soo baxday aqalka madaxtooyada ayaa lagu amray in talihii hore ee boliska dalka uu qaban doono jagada xoghahayaha maamulka ee wasaaradda dalxiiska iyo duur-joogta.

Madaxweynaha dalka ayaa sidoo kale magacaabay waaxyo kale oo ay ka mid yihiin taliska xabsiyada isaga oo kaamishinerka guud ee xabsiyada dalka loo magacaabay Wycliffe Ogalo. dhanka Agaasimaha guud ee Howlgallada ilaalinta xeebaha dalka ayaa loo magacaabay Brig. Vincent Naisho Loonena.

Brig. John Migui Waweru ayaa loo magacaabay in uu noqdo agaasimaha guud ee Howlgallada Duur-Joogta dalka.

Isla wareegtadaasi waxaa uu madaxweynuhu si rasmi ah ugu magacaabay Eliud Kinuthia in uu noqdo gudoomiyaha Hye’adda Qaran ee Howlgallada booliska dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here