2 qof ayaa gaajo u dhintay bartamaha kowntiga Turkana halka kuwo kale oo badanna ay xaaladoodu meel aad u daran mareyso.

Jiifka waaxda Kang’irisae John Ekwar iyo MCA-ga degaanka Kerio Delta Mr. Peter Ekaru  ayaa Arbacadii u sheegay warbaahinta in nin iyo haweenay ay asbuucii tegay u dhinteen cunto la’aan.

Waxa ay sidoo kale sheegeen in meydka haweenay 5-tii bisha Maarso laga helay xaafadda Lodoket-Engol xaafadaasi oo 6 kiiloomitir u jirto tuulada dhibaatada laga soo sheegayo ee Kang’irisae.

Waxaa la sheegay in ay halkaasi ay haweentu u aadey si ay dhuxul uga soo gurato.

Waxa dhuxusha ay u adeegsan laheyd si ay xaabada suuqa u geyso kadibna u sii iibiso dhuxushaasi.

Saraakiisha ayaa sheegaya in haweenka laga dhintay iyo carruurta agoonta ah ay yihiin kuwa sida aadka ah ay u saameysay abaartu.

Gobolka Turkana ayaan isagu heli wax roobab ah 9-kii bilood ee ugu dambeysay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here