Jaamacadda Kampala University ayaa iska fogeysay in ay iyadu laheyd waraaqaha shahaadooyinka degree-ga ah ah ee uu lahaa gaavanaha Wajeer Mohamed Abdi Mahamud.

Arrintani oo laga yaabo in ay sii adkeyso racfaankii uu maxkamadda ka qaatay gaavanaha kowntiga Wajeer.

Warqadaha dekumentiga ah ee gaavanaha ayaa iyagu laga diiwaangeliyey maxkamadda sare ee dalka maalinimadii Jimcaha waxaana jaamacadda Kampala International University ay sheegtay in Mr. Maxamuud uusan weligiis dhiganin jaamacaddaasi, iyadoo magaciisana uusan ka soo muuqan waayey liiska qalin jebgiyeyaasha ee sanadii 2012.

Maxmakemadda sare ayaa amartay in gaavanaha Wajir uu miiska soo saaro cadeymaha warqadaha iskuulaadka uu soo dhigtay gaavanahu.

Maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegtay in gaavanaha aan la siinin waqti ku filan oo lagu dhageysto dacwaddiisa.

Dhanka kale ayaa maxkamaddu sheegtay in sharaxaadda haatan socoto la tixgelinayo si fursad loogu helo in racfaan qaatuhu helo xukun cadaalad ah haddii la helo cadeymo dhab ah.

Gaavanaha mashaakilku heysto ee Wajir ayaa waxaa u doodayey looyer Fred Ngatia, looyerkani ayaa sheegay in maxkamaddu ay iska indha tireyso xaqiiqada ah in waxa gaavanaha laga rabo in ay tahay in uu si qeexan u cadeeyo in uu gaavanahu heysto labo shahaado degree oo iyagu ay ku saxiixan yihiin dhinacyada ay khuseyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here