Wax yar kadib markii laga soo ceyriyey goob hotel ah oo ay ka shaqeynaysay ayaa Rebecca Atieno, oo 20 jir ah, waxa ay u sii dhaqaaqday beerta nasashada ee loo yaqaan Uhuru Park ee caasimadda Nairobi.

Waxa ay aheyd meesha keliya ee ay ku nasan karto, sababtoo ah waxa ay aheyd mid aad u wareersan, rajo xumo dareemaysay isla markaasina uur ay laheyd darteed u muraara-dilaacsaneyd.

Habeenkii maalinkaas ka horeeyay ayaa ninkii ay gurigiisa kirada ugu jirtey uu iska soo ceyriyey haweenta kadib markii ay bixin weyday kiradii guriga oo maalinkii aheyd Sh50 gurigaas oo ku yaaley xaafadda Muthurwa.

Hadaba haweentan guriga markii laga soo saaray ayaa waxa ay iska soo fariisatay goobtaasi leydha ah oo ay ku naso is laheyd, cabaar markii ay fadhisay waxa ay u sii kacday dhankaa iyo suuliga, iyadoo suuliga darjiinada dadweynaha ee Uhuru Park lagu soo xaajeysto 10 shillin oo keliya.

“Anigu ma heysan 10 shillin waxaan ku ogaa taleefankeyga dab malaha oo wuu iga dhacsan yahay waxaa igu qasbay in aan ku wareeejiyo oo aan uga soo tegay ninkii guriga iga kireyn jirey, waxa uu ii sheegay in aan isaga u doonto kolka aan u baahdo taleefanka,” ayey tiri Atieno.

2 dii PM ayaa markii loo diiday musqusha waxa ay isku aragtay biyo ka soconaya lugaheeda, xanuun ayaa xigey, xilligaa isaga ah ma ay heysato wax lacag ah, taleefan ma heysato mana oga wax ay sameyso…keligeed ayaa goobta joogta.

Waa ay istaagtay waxaana ay qabsatay geed dhinaceeda ah; qofina meesha ma joogo mana jirto qof iyada dhinaceeda soo aada si uu ugu gargaaro. 30 daqiiqo kadib Atieno waa ay umushay waxaana ay dhashay gabar, cidna ma caawin in ay dhasho.

Marna ma aaney ku fekerin in ay canug dhali doonto, kaasi oo ay u bixisay magaca ‘Rajo’ ama ‘Hope’ isla maalinkaas. Waxa ay dhor jeer tagtay dhanka isbitaalka Bahati Hospital ee caashida degmooyinkeeda Nairobi Eastlands, halkaasi waxa ay canugeeda iyo iyadaba iska baartay cudurro badan.

Haweenaydan ma ay laha wax qaraabo, waxaana Atieno ay hatan ka heshaa oo ay xiiseynaysaa canugeeda yar, Wxa gashay rajo ah in ay shaqo kale raadsato maadaama wixii hore loogu soo ceyriyey ay ahaayeen uurka ay laheyd. Atieno ayaa loo rajeynayaa farxad iyadoo shaqeysan doonta kolka ay farxadeeda gudaha u gashao.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here