Diyaarahadani ayaa laga leeyahay dalka Ruushanka

Hey’adda Duulista hawada ee wadanka Soomaaliya ee magaceeda loo soo gaabiyo (SCAA) ayaa shaaca ka qaaday in diyaaradaha laga leeyahay wadanka Ruushka ee noocyadoodu kala yihiin: AN-24, AN-26, AN-32 iyo diyaaradda AN-12 in aan loo ogolaan doonin in ay ka howlgalaan gudaha hawada sare ee wadanka Soomaaliya.

Diyaaradahani ayaan amar lagu siiyey in aysan hawada Soomaaliya geli karin wixii ka dambeeya 15-ka bishani Maarso 2019, waxaa la soo daliishaday arrimo dhanka badbaadada ah.

Saraakiisha duulista hawada dalka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan hore u jirin wax shilal ah oo diyaaradahaasi galeen balse ay jireen ‘sigasho’ ay halis geli rabeen diyaaradahaasi, taasi oo waaxdu go’aansatay in dhanka badbaadada ay u badaneyso.

Digniintan oo ay soo saartay hey’adda SCAA ayaa horey waxaa u bixiyey shirkado diyaaradeed kuwaasi oo diyaaradahaasi kor ku xusan lagu amray in ay duulimaadyadooda hakiyaan ilaa taariikhdu ay ka soo gaartay February 28, waxaana waqtiga loo qabtay uu u soo dib dhacay Maarso 15-keeda.

Soomaaliya ayaa gacan ku heynta maamulka hawadeeda dib ula wareegtay sanadii 2017 iyada oo kala wareegtay Hey’adda Caalamiga ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Duulista Hawada, taasi oo hawada Soomaaliya maamuleysay tan iyo 90-meeyadii kolkii ay qarxeen dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya.

Xayiraadda lagu soo rogay diyaaradahani Ruushka ayaa imaanaya kadib markii diyaarad laga leeyahay wadanka Ethiopia ay ku dhinteen dad gaaraya 157 ruux oo ahaa rakaabkii diyaaraddaasi.

Kenya ayaa dadkii ugu badnaa ay kaga hoobteen diyaaradaasi iyadoo ay uga dhinteen ilaa 32 qof oo rakaabka ka mid ahaa.

Diyaaradaasi ayaa ka soo duushay gegida caalamiga ah ee Bole waxaana duulimaadkaasu ku soo wajahnaa Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here