Badankood wadammada caalamka ayaa xanibay in la kiciyo diyaaradaha noocoodu yahay 737 sababo la xiriira musiibadii Bishoftu ee dalka Itoobiya taasi oo ay ku dhinteen 157 qof.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa amar ku bixiyey in aan la duulin karin diyaaradaha 737 Max ee fadhiya garoomada dalka Mareykanka.

Arrintan ayaa laga shaaciyey gegida diyaaradaha ee George Bush International Airport.

Trump ayaa sheegay in go’aankiisa uu yahay mid dhab ah waxaana uu qiray in ay arrintu ku saabsan tahay mooralka iyo wanaajinta dadka Mareykanka ah ee u kala gooshaya wadammada caalamka.

“Anigoo ka shaqeynaya wanaajinta maskaxda dadka Mareykanka ah, iyo dhammaanba dadka, waxaa si weyn ii quseynaysa arrintan” ayaa uu yiri Trump.

Ugu yaraan 30 diyaaradood oo ah nooca Boeing 737 Max ayaa hawada ku jirey xilliga uu madaxweyne Trump shaacinayey in la joojiyo duulimaadyada diyaaradahaasi, sababo la xiriira musiibadii diyaaradaasi ay cilad aan la garaneynin ugu dhacday Bariga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here