Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhimatay dabaq ku soo duntay caasimadda Lagos ee Nigeria.

Daarta duntay ayaa la sheegay in ay badankeed aheyd goob iskuul ah oo ay dhiganayeen 100 carruur yar yar oo ardey ah.

Ilaa haatan 40 ardey ah ayaa laga soo badbaadiyey burburka.

Dabaqa ayaa isagu la sheegay in uu ka mid ahaa daaraha la calaamadeeyay in ay yihiin kuwo dumi raba isla markaasina halis ahaa loona liis gareeyay in dowladdu dumiso.

Hase yeeshee, inta aaney dowladdu dumin ayaa uu dabaqu soo dhacay waxaana ku haligsamay dad aad u badan.

Shaqaalaha deg degta u howlgala ayaa sheegay in dad badan ay ku hoos jiraan burburka kuwaasi oo lala tacaalayo sidii loo soo badbaadin lahaa.

Mid ka mid ah dadka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dadka deggan guryaha dabaqaasi ay muddo badan ka cabanayeen in dabaqu uu dil-dilaacay isla markaasina gariir laga dareemayey mar marka qaarkood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here