Wareeggii 5-aad ee wada-hadallada nabadeed ee dhex marayay ururka Taliban iyo dowladda Mareykanka ayaa ku soo dhammaaday guul darro.

Saraakiisha ayaa ku soo warameysa in wadahadallada ka soconaya Qadar ay qaateen muddo 16 maalmood ah.

“Hadda ayaanu soo afjarnay wadahadallo miiska la isla soo fariistay oo magaaladan Dooxa ka socday. Marxaladdu way soo hagaageysay. labada dhinacna waa ay ka go’an tahay in la isla gaaro xal nabadeed.” sidaasi waxaa ku dhawaaqay Zalmay Khalilzad oo ah ergayga Mareykanka uga qeybgalaya shirkaasi.

Waxa uu sheegay in 4 qodob oo keliya ay Mareykanku ka doonayaan geedi socodkani nabadeed: kuwaasi oo uu ku kala tilmaamay in ay kala yihiin hirgelinta ka hortagidda argagixisada, in Mareykanku ciidammadooda ay kala baxaan Afgaanistaan, in ay wadahadallo gudaha Afgaanistaan ah ay dhacaan, iyo in la gaaro xabad joojin rasmi ah.

Ergayga Mareykanka ayaa sheegay in ay Mareykanka muhiimadooda ay tahay sidii loo gaari lahaa labo ahmiyadood oo kala ah ka hortagga xagjirnimada oo Afgaanistaan ka hirgasha iyo ciidammada Mareykanka oo ka baxa dalkaasi, waxa uu sheegay in ay weli la tacaalayaan arrimahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here