Guddiga Garsoorka dalka ayaa shaaciyey in la dalacsiiyey 74 Garsoore iyo 400 loowyerro ah.

Garsooryaasha la dalacsiiyey waxaa ku jira Martha Mutuku iyo Hellen Onkwani, kuwaasi oo haatan helay darajada madaxa iyo hormuudka garsooreyaasha.

Kuwa kale ee la dalacsiiyey ayaa iyagu waxaa intervei-ga ama wareysigooda uu u soo bilaawday Febraayo 19 isaga oo u sii socon doono ilaa 28-ka, halkaasi oo lagu ansixin doono kulan u qabsoomi doona maalinimada Talaadada sida uu shaaciyey madaxa sare diiwaangelinta Guddiga cadaaladda dalka Anne Amadi.

74-ta Garsoore ee la dalacsiiyey darajadooda garsooreynimo ayaa la doonayaa in ay shaqadooda uga soo dhalaalaan si hufan oo waafaqsan sharciga dalka, kolka ansixintu u soo idlaato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here