Emmanuel Macron, madaxweynaha wadanka Faransiiska

Madaxweyanaha dalka Faransiiska ayaa uga bilaabatay wadammada Geeska iyo Bariga Afrika.

Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa ku degay wadanka Jabuuti waxaana uu uga soo gudbay wadanka itoobiya halkaasi oo uu maamullada kala duwan kulan kula qaatay.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa Jabuuti ku tilmaamay in ay tahay meeshii ugu dambeysay qaaradda Afrika ee xornimada ka qaata gumeystaha Faransiisku, waxaana uu sheegay in Jabuuti ay xornimadeeda qaadatay 1977-kii.

Emmanuel Macron ayaa tilmaamay in Jabuuti ay tahay bahwadaag isla markaasina ay door muhiim ah ka ciyaarto saaxiibtinimada isbaheysiga Faransiiska. Waxa uu intaa ku daray in ay ku taal meel muhiim ah oo ku taal gobolka Geeska Afrika.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa sheegay in Juqraafi ahaan ay Jabuuri tahay asaaska rajada iyo meel bartame u ah ganacsiga caalamka.

Macron iyo Guelleh, madaxweyneyaasha Faransiiska iyo Jabuuti

Macron ayaa u sii gudbay wadanka Itoobiya waxaana halkaasi uga bilaabatay booqasho labo beri ah isaga oo kulamo la qaadan doona ra’iisul wasaaraha Itoobiya Aby Axmed.

Macron ayaa sheegay in uu qadarinayo kaalinta dowladda Itoobiya ay kaga jirto dadaalka wadammada Geeska Afrika, waxaa uu shir jaraa’id oo lagu soo dhoweeyay ka sheegay in Faransiisku uu daneynayo sidii uu xoogga u saari lahaa maalgadhiga, horumarinta dhaqanka, heshiisyada dhanka milleteriga isla markaasina ay Faransiiska iyo Itoobiya iska kaashadaan la dagaalanka argagixisada iyo sidii door muhiim ah looga ciyaari lahaa nabad ku soo dabaaliska gobolka.

Emmanuel Macron, madaxweynaha Faransiiska ayaa la filayaa in uu soo gaaro wadankani Kenya maalmaha soo socda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here