Joseph Boinnet, taliyaha guud ee booliska dalka 

Saacado kadib markii Isbatooraha guud ee dalka Joseph Boinnet ay u dhammaatay 4-tii sano ee uu hogaanka u hayey jagada booliska dalka ayaan wax war ahi aan laga helin xarunta madaxtooyada.

Maalinimadii Talaadada ayaa ay ugu ekayd taliyuhu iyadoo laga dhursugayey in la soo magacaabo taliye kale oo bedele Boinnet.

Guddga amniga qaranka ayaa garowsan cida bedeli karta taliayaha booliska dalka in ay xitaa ku imaan karto qaab sii heyn xilkaasi ah.

Ilaha ku dhow dhow dowladda ayaa sheegay in qofkii bedeli lahaa taliye Joseph Boinnet la xushay balse madaxweyne Uhuru Kenyatta weli ma uusan ansixinin go’aankaasi xulashada iyadoo madaxweynuhu uu ku jirey shirar dhanka golaha wasiirada ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in aad loo fahamsan yahay in taliyaha cusub ee qaban doona xilka booliska dalka uu wajihi doono doorashooyinka guud ee dalka ku soo wajahan sanadka 2022.

Waxaa sidoo kale jira xulasho aad u daran oo awoodaha dowladda ay ku xulayaan qofka noqonaya taliyaha ciidanka booliska iyadoo uusan meesha ka marneyn in madaxweynuhu uu isha la raacayo qofka uu u xulan doono shaqada booliska.

Qaar ka mid ah musharixiinta booska uu soo tafaxaytay waxaa ka mid ah: Edward Mbugua iyo Noor Gaboow oo labaduba ah ku xigeennada Isbatooraha guud ee booliska, waxaa sidoo kale ka mid ah agaasimaha laanta dembi baarista dalka taliye George Kinoti, waxaa kale oo musharixiinta doonaya in ay qabtaan xilka taliyenimo ee booliska ka mid ah agaasimihii hore ee Xarunta ka hortagga argagixisada Isaac Ochieng, Abaanduulaha Howlgallada guud ee GSU-da taliye Douglas Kanja, iyo sidoo kale afhayeenka booliska Charles Owino oo isaguna u sharaxan in uu noqdo taliyaha booliska dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here