Maamulaha bankiga dhexe ee Kenya Patrick Njoroge ayaa ugu dambeys qaatay amarka iyo soo jeedinta xildhibaannada dalka ee ku aadan in la soo daabaco shuruucda iyo xeerarka xilliga dhigashada macmiilku lacagahooda dhiganayaan baananka dalka iyo weliba nidaamka lacag ka baxsashada akoownada dalka.

Arrintani ayaa imaaneysa maalmo kadib markii xildhibaannada dalka iyo maamulaha bankiga dhexe ee dalka uu ka dhexeeyay is-jiid jiid iyo muran arrintan ku saabsan.

Maamulaha bankiga dhexe ee qaranka Patrick Njoroge ayaa isagu ka soo horjeeday xeerarka ay doonayeen xildhibaannada ee ahaa in qofka lacag badna dhiganaya baanka uu saxiixo foomam waaweyn isla markaasina marka uu lacag badan kala baxayo akownkiisa uusan iskala bixin karin lacagtaasi ee uu mar kale baanka yimaado isla markaasina uu saxiixo lacagaha uu la baxayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here