Labada haween ee Muslimiinta ah ee ku jira kongress-ka Mareykanka ayaa Talaadadii shalay baaq u diray dalka Sacuudiga, waxa ay ku dhaliileen dowladda Mareykanka in ay hub casri ah u daabushay Sacuudiga si loogu duqeeyo dalka Yemen.

“Sacuudiga waxa uu si joogto ah ugu jiraa wadammada ay daashatay arxan darrada iyo ku tumashada xuquuqda bani’aadamka waxaana waqtigan la joogo uu mas’uul ka yahay macluusha iyo daacuunka ka dillaacay wadanka Yemen, waxa ay intaa ku dartay in Sacuudigu hubka wax gumaada uu ka iibsado dalkani Mareykanka,” sida ay twitter-keeda ku soo qortay sharci-dejiyaha Mareykanka, Ilhan Cumar.

“Muxuu Donald Trump ugu tumanayaa xuquuqda aadmiga isaga oo taageeraya soo saarayaasha hubka iyo rasaasta?”

Xildhibaannada Mareykanka ayaa dhowaan qaaday tillaabo ay ku samaynayaan dadaa badan si loo cambaaeeyo madaxweyne Donald Trump taageerada uu ku garab siinayo Sacuudiga dagaalka uu kula jiro Yemen, dagaalkani oo galaaftay malaayiin isla markaasina burburiyey dhaqaalihii Yemen iyada oo ay halkaasi ka dhalatay marxalad bani’aadanimo tii ugu xumeyd dunida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here