Odayaasha Mau Mau ayaa dowladda ka doonaya waraaqo aqoonsi oo lagu aqoonsanayo dadaalkoodii xornimo doonka Kenya

Odayaasha Mau Mau ee soo dagaalamay xilligii gobanimo doonka ee dalkani Kenya ayaa codsi u gudbiyey dowladda dalka.

Waxay odayaasha Mau Mau doonayaan in dawladdu ay si sharci ah u aqoonsato iyada oo loo marayo Sharciga Baarlamaanka ee dhigaya xuquuqda dadkii u soo dagaalamay madaxbannaanida Kenya.

Waxa ay sheegeen in ilaa waqtigan la joogo in iyaga aan loo aqoonsanin kaalintii ay ka ciyaareen in ay wadanka ka xoreeyaan gumeystana, sida ay hadalka u dhigeen.

Halgamayaasha ayaa dacwo u gudbistay baarlamaanka waxaana ay hordhigeen hindise sharciyeen qeexaya in la aqoonsado ururka halgamayaasha Mau Mau War Veterans Association in ay yihiin dhaqdhaqaaq u soo dagaalamay xoreynta wadanka Kenya.

Waxaa hogaaminayey xoghayahooda guub Gitu Wa Kahengeri, iyo dagaalyanannadii hore waxaana maalintii Talaadada ay la kulmeen guddiga qaran ee baarlamaaniga ah Isboortiga, Dhaqanka iyo dhaxalka iyaga oo sharaxay sida ay uga niyad jabsan yihiin guuldarrada dowladda ka heysata in ay qiimeyn weyso dadaalki ay halgamayaashu u soo mareen sidii dadkii cadaanka ahaa looga saari lahaa dhulalkii ay xoogga ku qabsadeen.

Waxa ay ku qeylo dhaamiyeen in dastuurka dalka ay ku jirto isla markaasina uu aqoonsan yahay in la abaalmariyo dadkii u soo halgamay xornimada dalka iyo dadka.

Waxaana ay dowladda ka dalbadeen in la siiyo waraaqo aqoonsi oo buuxa kuwaasi oo tilmaamaya in ay yihiin halgamayaashii gobanimadoonka Mau Mau-ga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here