5 qof oo burcad ah ayaa lagu dilay xaafada Jujba kadib markii ay isku dayeen in ay dhac hubeysan u geystaan goob ganacsi oo ku taal wada Thika.

Booliska dalka ayaa ku soo waramaya in burcaddu ay bartilmaameedsadeen Kaalinka Shidaalka ee lagu magacaabo Lexo petrol Station laakiinse waxaa ay fooda is daren laamaha amniga.

Saraakiisha ayaa iyagu ku jirey gaafwareen waardiye ah kadib markii loo soo sheegay in rag burcad ah ay qorsheynayaan inay dhac hubeysan geystaan.

Hase yeeshee gaariga ayaa ay meel ku dhufteen si ay goobta uga baxsadaan.

Nimanka burcadda ah ayaa watey gaari Volkswagen Touareg, iyaga oo ku hubeysnaa qoryaha daran-dooriga u dhaca, halkaasi waxa ay isku haleeleen booliska kuwaasi oo laga dhigay hubkii ay wateen iyagoo goobta lagu qaarajiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here