Xildhibaanka laga soo doorto Kibenguria mudane Samuel Maroto ayaa eed u jeediyey is-gacanqaadkii Uhuru iyo Raila in uu dhaliyey muran iyo khilaaf aan dhammaad laheyn.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uu is-gacanqaadku dhaliyey wax uu ugu yeeray ‘la dhuumasho lacago badan laga xaday dowladda.’

Xildhibaanka ayaa ku baaqay in la kala diro guddiyada baarlamaaniga ah ee xisaabaadka dadweynaha iyo guddiga maalgashiga dadweynaha, waxaana uu sheegay in ay noqdeen guddiyadaani dariiq ay sii marto lacagaha la kala musuq maasuqo ee dalka.

Isaga oo ka hadlayey munaasabad ka dhacday Kapenguria ayaa waxaa uu xildhibaanku tibaaxay in labada guddi baarlamaaneed ay noqdeen kuwo dhintay. Waxa uu sheegay in labada dhinac ee xubnaha mucaaradka iyo kuwa dowladdu ay bilaabeen in ay wax isla cunaan taasi oo meesha ka saartay xasaanadii ay meesha u joogeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here