Wakaaladda wararka ee fadhigeedu yahay dalka Mareykanka ee la yiraado ‘The Associated Press’, ayaa lagu soo waramayaa in ay si aan fiicneyn oo eexasho ah u qortay warkii burburka diyaaradii Ethiopian Airlines ee ay ku dhinteen dad dhan 157 qof.

Warka ayaa ay u qortay qaab xigsiisin ah oo ay ka muuqato cunsuriyad weyn.

Arrimahan ayaa soo shaac baxay kadib markii ay A.P war deg deg ah ku soo qortay barteeda twitter iyada oo warka loo soo qoray sidatan: “WAR DEG DEGSIIMO AH: Wararku inaga soo gaaraya waxa ay sheegayaan in dad Kanadiyaan, Shiine, Ameerikaan, Talyaani, Hindi, Faransiis, British, Masaari iyo kuwo kale in ay yihiin dadka ku dhintay qaraxa diyaaradda Ethiopian airline.”

Dad badan ayaa dhaliiilay in dadka Afrika aan ahmiyad lagu siinin qoraalka wakaaladda wararku fidisay, iyadoo weliba dadkii ugu badnaa ay ahaayeen rayid Kenyaan ah oo tiradoodu gaareyso 32 ruux.

Dhanka kale, dalkani Kenya ayaa jaraa’idka iyo warbaahinta waxaa hareeyay sheekooyinka dadkii ku le’day musiibada diyaaradda burburtay. Waxaana dadka dhintay ay u badnaayeen dhaqaatiir, ardey jaamacadeed oo qalin jebin sugayey, diblumaasiyiin heer sare ah, dad caruusiin ahaa oo guur filayey & carruur iyo waalidiintood kuwaasi oo geeridu u qaniintay si lama filaan ah oo xanuun badan.

Dowladda ayaa iyadu daabuli doonta ehelada laga geeriyooday iyadoo loo dhoofin doono Addis Ababa si ay u soo aqoonsadaan dadkooda ku dhintay shilka diyaaradeed.

Wadammada Afrika ee dadka ku waayey burburka diyaaradda ayaa waxaa ka mid ahaa dalalka: Ethiopia (9), Morocco (2), iyo sidoo kale Mozambique, Sudan, Somalia, Togo, Uganda iyo wadanka Nigeria oo midkiiba hal qofi uga dhintay.

Warkan oo muran badan ka dhaliyey baraha bulshada ayaa si xun ereyo kulul la isku weydaarsaday iyadoo dadweynuhu la yaabanayeen warka iyo qaabka loo soo xigtay loona jeeday in uu yahay mid dhinac loo xaglinayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here