Nin ka tirsan booliska dalka gaar ahaan booliska maamulka ee AP-da ayaa lagu eedeeyay in uu dil u geystay haweenay iyo gabadheeda.

Ninka ayaa la sheegay in uu si aan taxadar laheyn gaari ugu wadey wadada Sagana-Makutano ee kowntiga Kirinyaga.

Mr Alex Maitho ayaa loo heystaa dacwadani la xiriirta dilka uu u geystay Ms Ngima Ndichu iyo gabar yar oo ay dhashay oo lagu magacaabo Joan Waruguru taariikhdu markay aheyd February 2-deedii sanadkan 2019, waxaa uu ninku si daran u wadey gaarigiisa isaga oo la soo galay xaafada Rukanga.

Sarkaalka ayaa lumiyey kontoroolka gaari ay leedahay dowladdu waxaana gaarigu uu ku soo leexday isla markaasina uu dul maray dhibanayaasha kuwaasi oo goobta ku qur baxay.

Ms Ndichu ayaa canugteeda u sii wadey dhanka iskuulka xilliga uu shilku dhacayey.

Bishan Maarso 28-keeda ayaa maxkamaddu dib u dhageysan doontaa kiiskan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here