Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa maalinimadii Isniinta booqaday dalalka Rwanda iyo Uganda waxaana uu qabtay wadahadallo gaar ah oo iyagu uu la yeeshay labada madaxweyne.

Madaxweynaha dalka ayaa socdaalkiisa ku bilaabay wadanka Rwanda waxaana kadib uu u sii socdaalay xafiiska madaxtooyada Uganda ee magaalada Entebbe, waxaana uu ku soo laabtay caasimadani Nairobi.

Wadahadallada Uhuru Kenyatta uu la yeeshay labada hogaamiye ayaa salka ku hayey soo afjaridda khilaafka siyaasadeed ee muddooyinkan dambe hareeyay labadaasi wadan ee Rwanda iyo Uganda, waxaa soo baxayey sheegashooyin ah in madaxweynaha dalka Uganda uu taageero siiyey mucaarad ku kacsan dowladda Rwanda, arrintani oo Uganda ay iska fogeysay.

Arrintan ayaa ku qasabtay Rwanda in ay xirto xadka ay labada wadan wadaagaan halkaasi oo uu xayirmay beec-mushtarkii xuduudka kaasi oo xitaa saameyay ganacsigii Kenya ee magaalooyinkaasi ka imaan jirey.

Labada hogaamiye ayaa amaanay kaalinta madaxweyne Uhuru Kenyatta ee dhex dhexaadinta muranka labada wadan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here