Cabdicasiis Bootefliiqa, madaxweynaha talada ka sii degaya ee Al-Jeeriya

Madaxweynaha Al-Jeeriya Cabdicasiis Bootefliqa ayaa baajiyey isa soo taagistii la qorsheynayey in uu isku soo sharaxo doorashooyinkii la filayey in ay dalkaasi ka dhacaan.

Bootefliqa ayaa isagu la qorsheynayey in uu xilligiisa 5-aad isu soo taago doorashooyinka madaxweynanimo ee dalkaasi.

Madaxweyne Cabdi-casiis ayaa isagu musharaxnimadiisu waxa ay kicisay dadweynaha dalkaasi reer Al-Jeeriya waxaana ay sababtay in kumanaan shacab ah ay isugu soo baxaan wadooyinka dalkaasi, asbuucyadii ugu dambeeyay.

Waxa uu hogaamiyuhu dalkaasi soo hogaaminayey 20-kii sano ee ugu dambeysay iyadoo mar mar uun uu soo hor istaagi jirey dadka hortooda waxaana la sheegay in uu xanuunsanaa oo uu la il-darnaa cudurka qaar qalalka tan iyo sanadkii 2013-kii.

Waxaa gebi ahaanba la baajiyey doorashooyinkaasi la filayey in ay dhacaan 18-ka bisha Apriil waxaana la filayaa in golaha wasiirada la isku dhafo dhowaan sida warbixin cusubi ay dhigeyso.

Ma jirto faahfaahin ku saabsan hadalka deg degta ah ee madaxweynuhu ku dhawaaqay iyo xilliga uu talada dalkaasi uu ka degi doono.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha dalkaasi Al-jeeriya Ahmed Ouyahia ayaa shaaca ka qaaday in uu xilka iska casilay waxaana bedelay wasiirka arrimaha gudaha Noureddine Bedoui, kaasi oo la weydiistay in uu soo dhiso xukuumad cusub.

Wakaaladdaha wararka Al-Jeeriya ayaa ku soo waramaya in madaxweynaha uu ka tanaasulitaankiisa isu soo taagista ay baajisay gadood balaaran oo dalkaasi ka taagnaa, waxaana uu khudbad uu jeediyey uu si qiiro leh dadkiisa ugu sheegay in uu ka tanaasuli doono madaxweynanimada waxaana uu sheegay sababo la xiriira da’diisa iyo caafimaadkiisa uu uga tegayo isaga oo dhegaystay cabashada dadkiisa reer Al-Jeeriya, sida uu hadalka u sheegay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here