Wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeellada dhexe ayaa sheegaya in ay dagaal isaga horyimaadeen kooxaha Macawiisleey iyo kooxda Al-Shabaab.

Dagaalka oo qaatay saacado badan ayaa waxaa ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Afhayeen u hadlay kooxda Macawisley ayaa sheegay in ay burburiyeen saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka lagu magacaabo Masaajid Cali Gaduud.

Waxaa ay sidoo kale ku soo warameen in uu jiro khasaare weyn oo kooxahaasi Al-Shabaab loo geystay.

Kooxda Macawiisleey ayaa iyagu ah dadka degaanka oo isbaheystay waxaana ay la dagaalamaan kooxaha Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here