Duuliye diyaaradeed ayaa lagu qabtay isaga oo wata leysan ama aqoonsi duuliyenimo oo Been-abuur ah.

Duuliyahani ayaa isha duulimaadyada ka shaqeynayey muddo 20 sano ah waxaana la xiray Isniintii shalay, waxaa la sheegayaa in uu ninkaasi la arkay isaga oo wadaya diyaaradaha waaweyn ee qaada xadiga badan ee dadweynaha.

Saraakiisha dalkaasi ayaa sheegay in ay u kuurgaleen isla markaasina ay weydiiyeen leysinkiisa diyaaradeed waxaana la ogaaday in uusan xaq u laheyn in uu diyaaradaha waaweyn duuliyo.

Duuliya William Chandler ayaa markiiba boolisku ku qasbeen in uu is casilo iyaga oosheegay in uu ahaa mid warqado la’aan ah oo aan heysanin heerkii loo baahnaa ee aqoonsi .

Duuliye Chandler ayaa lagu wareejiyey booliska iyadoo la soo ogaaday in ay warqadihiisa duuliyenimo ay yihiin kuwo Been Abuur ama fake ah.

Shirkadda South African Airways (SAA) ayaa sheegtay in duuliye Chandler uu iyaga u sheegay in uu heysto Leysanka lagu kaxeeyo gaadiidka waaweyn ee waliba xamuulka qaada kaasi oo ay sheegeen in uu u saamaxayo in uu wadi karo diyaaradaha waaweyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here