Wasiirka beeraha dalka Mwangi Kiunjuri ayaa sheegay in ay wasaaradiisu ooda ka qaaday lacago dhan 1.9 bilyan oo ahaa lacagihii ay beer-falatada dhirta qasabku ay ka sugayeen dowladda dhexe.

Waxaa weli dhiman 800 oo milyan waxaana la filayaa in dowladdu bixiso xilliyada soo socda.

Wasiirka beeraha oo ka hadlayey magaalada Kisumu ayaa sheegay in la bixin doono lacagaha beeraleydu ay ku leeyihiin dowladda.

Howlgallo ku saabsan soo saarista sonkorta iyo beerashada dhirta qasabka loo yaqaan ayaa ka soconaya magaalada Kisumu halkaasi oo la filayo in warbixin kama dambeys ah laga soo saaro gaar u yeelashada shirkadaha iyo wershadaha dalagga soo saara isla markaasina cabirka miraha qaabilsan.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga ayaa hore u soo jeediyey in la mideeyo shirkadaha wershadeeya miraha beeraha si kor loogu qaado wax soo saarkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here