Dab weyn ayaa xalay qabsaday qeyb ka mid ah suuqa weyn ee Kibera oo 7 kiiloomitir u jira bartamaha Nairobi.

Goobjoogeyaal ayaa ku soo waramaya in holac uu suuqa qabsaday 9-kii habeenimada Talaadada waxaana uu dabku burburiyey hanti gaareysa malaayiin shillin.

Dabka ayaa sidoo kale sidoo kale ku socday si xowli ah iyadoo uu qabsaday xaafadaha ku dhow suuqaasi Kibera.

Uurada suuqa ayaa laga arki karey meelaha fog xilli aheyd saqbarkii xalay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here