Wasaaradda Xajka & Cumrada ee boqortooyada Sacuudi Caraabiya ayaa shaacisay in ay qorsheynayso soo saarista Dal-ku-Galka electrooniga ah oo lagu heli doono daqiiqado gudahood.

Dadka ayaa markani dhanka internetka ka dhiiban kara codsigooda dalku galka si ay u soo gutaan waajibaadkooda xajka.

Kormeeraha guud ee nidaamkani cusub ee electrooniga ah ee lagu bixinayo dal ku galka (Viisaha) Xajka iyo Cumrada Abdulrahman Shams, ayaa sheegay in nidaamkani uu fursad siin doono dadka aan u dhalanin wadanka Sacuudiga, waxaa kale oo uu u sahli doonaa in ajnabiga in ay kala doontaan nooca Viiso ee ay u baahan yihiin.

Wareysi uu la yeeshay telefishinka MBC ayaa uu Shams ku sheegay in ay si toos ah ula shaqeyn doonaan wasaaradda arrimaha dibadda iyo tan arrimaha gudaha si loo fududeeyo howsha.

Hadaba qofka ayaa marka uu soo codsanayo Dal ku Gal ama Viise waxa laga doonayaa in uu baasaboorkiisa u gudbiyo safaaradda.

intaa kadib ayaana waxa uu buuxinayaa foom internetka ah halkaasi oo daqiiqado kadib la siin doono Viisaha uu u baahan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here