Shirkada soo saarta diyaaradaha ee Boeing ayaa wajaheysa su’aalo kala gedisan.

Su’aalaha ayaa imaanaya kadib markii maalinimadii Axada ee shalay ay dhinteen dad fara badan oo ka kala yimid daafaha caalamka.

Burubrkii shalay ku dhacay diyaaradda Beoing 737 Max ee Ethiopian Airlines, waxaa ku dhintay dad gaaraya 157 Qof oo ay ku jiraan Soomaali iyo Kenyaan badan.

Diyaaradda ayaa waxaa ku naf waayey ilaa 157 qof oo saarnaa diyaaradaasi.

Waa burburkii labaad ee dadku ay ku baaba’aan diyaaraddani Boeing 737 Max 8, waxaana sidaasi si la mid ah shirkaddu ay laheyd diyaarad noocan ah oo lagu magacaabo Lion Air taasi oo bishii Oktoobar ee sanadkii hore ku burburtay dalka Indonesia.

Jawaab ay Shiinuhu bixiyeen ayaa ay ku fariisiyeen shaqada guud ee diyaaradaha 737 ee shirkadaasi ay farsameyso ay ka hayaan dalalkooda.

Si kastaba waxaa khuburada duulimaadyada caalamka ay ka digayaan in ay tahay goor hore loona baahan yahay in deg deg loo ogaado waxa sababay dhibaatada burburka, waxaa ay sheegeen in ay jiraan kumanaan kun oo diyaaradood oo noocaas ah oo shaqadooda wata iyaga oo qaada rakaab malaayiin ah.

Diyaaradda Ethiopian Airlines duulimaadkeeda flight ET302, ayaa burburtay abaarihii 08:44 subaxnimo xilliga Nairobi 6 daqiiqo kadib markii ay ka soo duushay caasimadda wadanka Itoobiya ee Addis Ababa. Diyaaradda ayaa u socotay caasimadda Kenya ee Nairobi.

Waxaa ay diyaaradu ku dhacday degmada Bishoftu, oo 60 kiiloomirit Koonfur Bari kaga beegay Addis Ababa.

Duuliyaha diyaaradaasi ayaa ka cabanayey cilad farsamo isaga oo weydiistay rakaabka in uu ku noqon doono Addis Ababa, sida ay ku warbixiyeen maamulka diyaaraddu.

Agaasimaha fulinta ee diyaaradda Ethiopian Airlines Mr. Tewolde Gebremariam ayaa warkani saxaafadda u sheegay xilli uu ku sugnaa gegida Bole International Airport ee Addis Ababa.

Waaxda diyaaradaha caalamka dusha kala socota ee Flightradar24 ayaa ku soo warbixisay in qaabka diyaaraddu u socotay in ay aheyd hab aan saxneyn markii ay ka ka kaceysay garoonka Addis Ababa.

Duuliyaha ayaa lagu magacaabey kabtan Yared Getachew waxaana la sheegay in uu ahaa duuliye si wanaagsan xirfadiisu u sareyso, isaga oo heystay khibrad 8,000 oo saacadood ah oo uu ku soo jirey hawada sare.

Sdioo kale, diyaaradda rakaabka saarnaa ayaa waxaa ay ka kala yimaadeen ilaa 30 dal oo caalamka daafihiisa ah waxaana dadka ugu badan ay u ahaayeen Kenyaan halka 18 ay ahaayeen Kanadiyaan, 7 kalena ay ahaayeen Ingiriis.

Burburka diyaarad hore oo nooceedu yahay Beoing 737 max ee bishii Oktoobar 2018 ku dhacday dalka Indoonesiya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here