Wararka inaga soo gaaraya dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in ra’iisul wasaaraha dowladda federaalka ee Soomaaliya uu ku sii jeedo caasimadda ku meel gaarka ah ee Jubaland ee Kismaayo.

Kismaayo ayaa waxa ka dhici doona wadahadallo walow aan weli la faahfaahin waxa ay ku saabsan yihiin wadahadalladaasi.

Amniga guud ee magaalada Kismaayo ayaa saaka aad loo adkeeyay waxaana wada sugaya Ciidamada Jubaland iyo kuwa gaarka u ah Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Jimcihii gaaray magaalada Kismaayo, waxaana sidoo kale Khayre uu maanta hore u sii wadanayaa askar amnigiisa qeyb ka qaadata.

Horey ayaa ra’iisul wasaare Kheyre uu safarkaasi uga baaqday arrimo la xiriira geeri ku timid mid ka mid ah wasiirada xukuumadiisa.

“Jubaland wadahadal hada ay gooni ula galeyso dowladda Federaalka majiraan, laakiin intaan ognahay jawi abuur weeyaan waxa loo balansanyahay , dowladda federaalka ahna iyadaa laga rabaa hanaankii ay u xasilin leheyd wadanka, u kalsooni gelin leheyd dowlad goboleedyada, ku dhameyn leheyd khilaafka ragaadi” ayuu Bbc-da u sheegay Wasiir Xirsi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here