Wadammada Iiraan iyo Ciraaq ayaa wadaaga xuduud dheer oo cabirkiisu yahay 1,400-kilomete.

Safarkan ayaa dareen geliyey madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaasi oo sheegay in Mareykanku u joogo Ciraaq arrimo ay ka mid tahay in uu isha ku hayo wadanka Iiraan.

Xasan Rouhani, oo ah madaxweynaha wadanka Iiraan oo isagu si gaar ah u tegay halkaasi intii aanu noqon madaxweynaha ayaa qorsheeystay in uu booqadashada dalkaasi ku tago sanadkii 2016-kii.

Booqashadaasi oo la kansalay duruufo aan la ogeyn awgeed.

Haatan ayaa madaxweyne Ruuxaan waxa uu talada Iiraan hayaa sanadkii 4-aad waxaana uu diiradda saarayaa dhaqaalaha Iiraan oo ay saameysay cunqabateynta Qaramada Midoobey ee dalkaasi.

Tehran ayaa u aragta joogitaanka ciidammada Mareykanka ee Ciraaq in ay tahay caqabad hanajabaad ku ah wadankiisa.
Waxa sidoo kale Iiraan u aragtaa in Mareykanka oo sii jooga Ciraaq in aysan — Iiraan noqon karin wadan kalsooni buuxda ka heysta Baqdaad.

Iiraan ayaa sidoo kale dareemaysa in Ciraaq ay tahay halka ay ka soo burqaneyso cunnaqabateynta Iiraan lagu hayo.
WAxaana haatan Tehran ay isku dayeysaa in ay arrimahani oo dhan soo afjarto, iyadoo safarka madaxweynaha Iiraanna uu yahay mid dhaqaalaha kor loogu qaadayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here