Madaxa sare ee hey’adda gaadiidka qaran ee wadanka Indooneesiya ayaa sheegay in ay gacan siin doonaan baareyaasha ku howlan qaabka ay u burburtay diyaaradda Boeing 737 MAX 8 ee ku soo dhacday meel 50 km ujirta caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Wararku waxa ay sheegayaan in diyaarad nooceeda ah oo ay laheyd shirkad lagu magacaabo Lion Air, ay ku burburtay gudaha Indonesia bishii Oktoobar, taasi oo ay ku dhinteen dad dhan 189 oo diyaaradda saarnaa.
Sidaasi si la mid ahna waxaa shalay Axadii burburtay diyaarad iyaduna noocyadan ah oo lagu magacaabo Ethiopian Airlines taasi oo dishay 157 ruux.

Diyaaradda hore ee Lion Air ayaa iyadu markiiba burburtay isla markii ay hawada gashay.

Soerjanto Tjahjono, gudoomiyaha guddiga qaran ee badbaadada gaadiidka ayaa Isniinta maanta ah sheegay in Indooneesiya ay qeyb ka noqon karto baaritaannada diyaaradda ay dadka badan ku le’deen ee EA.

Indoonesia ayaa sheegtay in shilka dalkooda ka dhacay iyo kan Itoobiya ka dhacay ay ahaayeen kuwo aad isugu eg, halka soo dhicitaanka diyaaradahaasi weli shaki laga qabo, Shiinuhuna uu dhammaanba joojiyey isticmaalka nooca diyaaradahaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here