RW jamhuuriyadda federaalka ee Soomaaliya ayaa ku sugan caasimadda ku meel gaarka ah ee Jubaland ee Kismaayo. Halkaasi oo si heer sare ah loogu soo dhoweeyay.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa la filayaa in uu kulamo la qaato madaxwaynaha Jubaland, mudane Axmed Maxamed Islaam iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Kismaayo.

Waxaa sidoo kale la filayaa in uu halkaasi ka jeedin doono khudbad dhinacyo badan taaban doonta oo ku saabsan dowlad wadaajinta iyo heerarka horumarka dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here