Ilaa 32 Kenyaan ah ayaa ku dhimtay diyaaradii ka soo kacday caasimadda Addis Ababa tani oo ka dhigeysa muwaadininta Kneyaanka kuwa ugu badnaa ee diyaaraddaasi ku le’day.

Diyaaradda ayaa ka soo kacday gegida Bole International Airport waxaana ay ku soo jeeday caasimadda Nairobi taasi oo sidey ilaa 149 rakaab ah iyo 8 shaqaalaha diyaaradda ahi.

Diyaaraddani oo nooceedu ahaa Boeing 737 MAX 8 ayaa maalinimadii shalay ku burburtay degaanka Bishoftu oo 50 km u jirta caasimadda dalkaasi Itoobiya ee Addis Ababa waxaana ay dishay dhammaan dadkii saarnaa.

Wararka soo baxaya ee diyaaradaasi waxa ay sheegayaan in wadanka shiinaha ay manuuceen adeegsiga diyaaradda noocaasi ah taasi oo ay sheegeen saaka oo Isniin ah in dhammaanba la mamnuuca adeegsiga Bieng 737 ee gudaha dalkaasi. Waxa ay ku macneeyeen in diyaaradda noocaasi ah ay maalmihii la soo dhaafay mid la mid ahi ku burubrtay dalka Indooneesiya.

Sidoo kale Mareykanka ayaa la sheegay in horey uu digniin uga bixiyey in aysan muwaadiniintiisu ka safrin gegida diyaaradaha ee Bole International taasi oo horaantii bishan Maarso uu tilmaamay in halkaasi ay ka jiraan khatarro dhanka amniga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here