Ilaa 128 qof ayaa la soo xiray kadib markii ay guryahooda gashadeen tubooyin biyo sharci darro ah.

Gaavanaha caasimadda Nairobi gaavana Mike Sonko ayaa qaaday tillaabo lagula dagaalamayo dadkani dembiileyaasha ah sanadkii hore.

Sonko ayaa sheegay in la xiri doono tubooyin biyood gaaraya ilaa 483 leyman biyood ah kuwaasi oo sharci darro loo xiriiriyey.

Tan iyo bilowgii howlgalkani lagu xirayo biyaha sharcidarrada ah ayaa waxaa lagu galay xaafado ay ka mid yihiin Huruma, Ngei, Pangani, Mwiki, Clay City Kasarani, Maji-Mazuri Kasarani, Githurai 44 iyo Zimmerman iyo gobollo kale oo dibada ka ah caasimadda Nairobi halkaasi oo biyo sharci darro ah loo xiray guryo iyo xarumo ganacsi.

Waxa uu Sonko sheegay in howlgalkani uu ka kaalmeeyay xafiiska dowladda hoose in uu dib u xaqiijiyo nidaamka guud ee biyo bixinta dowladda hoose ee Nairobi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here