Ugu yaraan 20 ruux ayaa uu dilay dab ka kacay xarunta weyn ee tareennada ee magaalada Qaahira.

40 kale ayaa la soo sheegayaa in ay ku dhaawacantay dabkaasi ayaa ka kacay magaalada Qaahira ee caasimadda wadanka Masar.

Guddiga qaran ee tareennada dalkaasi ayaa sheegay in dabku ka kacay xilli tareenku uu jiiray goob bar kontrool ah oo ku taal bartamaha magaalada -Al-Qaahira.

Salbatooyada tareenka oo shidaal ka buuxay ayaa qaraxday kadib jiiritaanka halkaasi oo dab weyni ka kacay isla markaasina uu qabsaday daarihii ka agdhowaa goobta.

Goobjoogeyaasha ayaa ku soo waramaya in qof kasta uu goobta ka cararay hase yeeshee dadka badankood ay dhinteen markii uu qaraxa dhacay.

Habdhismeedka tareennada wadanka Masar ayaa la soo sheegay in uu yahay mid qaabkiisu aad u liito iyadoo dad badan ay ku eedeeyaan in ay tahay maalgashi la’aan aysan dowladdu dayactirin iyo maamul xumo heysata nidaamka kala hagista tareennada waaweyn ee dalkaasi.

Shilkan shil la mid ah ayaa dhacay bishii Agoosto 2017-kii, halkaasi oo 43 qof aqy ku dhinteen kadib markii labo tareen ay isku dhaceen magaalada dhanka dekadda ah ee Alexandria ee dalkaasi Masar.

Waxaa la soo sheegay in Qaahira ay tahay magaalada ugu daran ee shilalka tareennada ay ka dhacaan iyadoo sanadkii 2002-dii uu tareen ay dad ka buuxaan uu mar qur ah dab qabsaday halkaasi oo ay ku dhinteen 320 ruux oo tareenka saarnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here