Dowladda dalka Venezuela ayaa la herdameysa mashaakil dhanka korontada ah taasi oo si baahsan u saameysay wadnaka oo dhan.

Magaalooyinka waaweyn ayaa koronto la’aani ka jirtaa waxaana qeybo ka mid ah caasimadda Caracas ay isku bedeshay meel mugdi ah.

Madaxweynaha Venezuela ayaa Nicolas Maduro ayaa eed u jeediyey dalka Mareykanka isaga oo tilmaamay in Mareykanu uu cuuryaaminayo dhaqaalaha dalkaasi.

Dadweynaha Venezuela ayaa is weydiinaya mixnadda siyaasadeed ee dalkaasu qoorta la galay. Waxa talada dalkaasi isku heysta madaxweyne Maduro oo ay Ruushku taageeraan iyo hogaamiyaha mucaaradka Mr. Juan Guaido oo isaguna taageero ka hela Mareykanka iyo Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here