Maxkamadda Makadara ayaa maalinimadii Jimcaha sii deysay haweenay la sheegay in ay mindi u isticmaashay si ay timaha uga jarto canug gabadh ah oo ay dhashay.

Waxaa haweentaasi lagu sii daayey lacag dhan ilaa 30,000 oo bond, todobaad kadib markii la xiray.

Ms Diana Ochieng ayaa lagu soo dacweeyay in ay jir-dil u geysatay canug yar oo ay dhashay xiili ay ku sugnayd xaafadda Umoja.

Waxa sidoo kale la sheegay in hooyadu ay canugta ku gubtay biyo kulul Waxaana arrinta soo dhex galay dadkii deriska ahaa kuwaasi oo soo wargeliyay booliska.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here