Haweenay u dhalatay wadanka Uganda oo 37-jir ah ayaa xabsiga la dhigay kadib markii ay gudniinka fircooniga ah u guday canug yar oo 3 jir ah.

Haweenta ayaa gudniinka fircooniga u guday gabadh yar oo ay dhashay waxaana ay noqoneysaa mother has been qofkii ugu horeeyay ee Ingiriiska jooga oo lagu soo cadeeyo in uu gudniinka fircooniga ah adeegsado.

Hooyadan Ugaandheeska ah ayaa qeybta taranka ka goysay gabadheeda yar iyaga oo jooga guriga ay ku leeyihiin Bariga magaalada London sanadkii 2017-kii.

Waxaa lagu xukumay 11 sano oo xarig ah sababo laxiriira in ay adeegsatay dhaqankaasi gudniinka fircooniga.

Garsooraha xukunka riday oo lagu Mrs Justice Whipple ayaa sheegtay in ficilka haweentu sameysay uu ahaa mid waxashnimo ah.

“Gudniinka Fircooniga waxa uu muddo badan ahaa mid ka soo horjeeda sharciga, waana in aynu iska suulinaa Gudniinka fircooniga ee khatarta ku ah caafimaadka ilmaheenna”, ayey tiri garsooruhu.

Hooyada canugta dhashay ayaa la sheegay in ay ku dhalatay dalka Uganda balse halkaasi ay Ingiriiska ku nooleyd muddo sanado ah. Fircooniga ayaa isagu laga mamnuucay labada wadanba, sida ay sheegtay dacwad soo oogistu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here