Waaxda dembi baarista dalka ayaa sheegtay in ay balaarineyso howlaheeda ay ku dooneyso in ay ku ogaato halka ay ku baxday lacag 21-bilyan ah oo loogu talo galay in lagu dhiso labo Biyo-Xireen oo waaweyn.

Agaasimaha dembi baarista dalka ayaa su’aalo hordhigi doona 3 ka tirsan golaha wasiirada dalka.

Wasiirada loo yeeri doono ayaa la sheegay in kala yihiin wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta Eugene Wamalwa, wasiirka biyaha Simon Chelgui iyo wasiirka beeraha Mwangi Kiunjuri waxaana wax laga weydiin doonaa lacagta la sheegayo in lagu lunsaday fadeexadda Biyo-xireennada Kimwarer iyo Arror.

3-da wasiir ee kor ku xusan ayaa la rajeynayaa in su’aalo lagu weydiin doono aqalka Mazingara house asbuuca fooda inagu soo haya, waxaana ay ka jawaabi doonaan arrinta ku saabsan labada mashruuc ee laga fulin lahaa kowntiga Elgeyo Marakwet.

Agaasimaha dembi baarista dalka George Kinoti ayaa sheegay in uu isagu indhaha saaray saraakiil ka socotey xafiiska qareenka guud ee dalka kuwaasi oo kala debarayey mashaariicda ku saabsan biyo-Xireenadaasi kuwaasi oo lala galay shirkad Talyaani ah oo lagu magacaabo CMC di Ravenna.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here