Waaxda Howlaha Dadweynaha ee Kowntiga Nairobi ayaa iska fogeeyay in ay ku dhaqaaqday laaluush qaadasho.

Gudoomiyaha guddiga howlaha dadweynaha ee kowntiga Philip Kung’u ayaa wareysi uu warbaahinta siiyey ku sheegay in aysan suuro gal aheyn in lagu soo eedeeyo in ay laaluusha qaataan xilli baauu yiri ay iyagu ku mashquulsan yihiin sidii ay kowntiga uga kaalmeyn lahaayeen qorista shaqaale badan iyo tayeynta shaqada.

Gudoomiye Kung’u ayaa sheegay in shaqadoodu ay tahay mid qoran oo aan la cuuryaamin karin.

Howsheenna waxaan ku wadnaa si waafaqsan amarrada madaxda sare ayaa uu yiri isaga oo ka jawaabayey habac-sanaan iyo shaqo xumo baahsan oo guddiga howlaha dadweynaha lagu dhaliilay maalmihii ugu dambeeyay.